Ubah Aden

Yaa u maqan dumarka iyo hooyada Soomaali?

Booqashadii Muqdisho iyo qeybta koowaad!

13

Yaa u maqan dumarka iyo hooyada Soomaali?

Booqashadii Muqdisho iyo qeybta koowaad!

Bilowgii Oktoober ee sannadkan, 2017 ayaa fursad aanan filaneyn, marnana ku xisaabtameyn, Ilaah ii sahley. Sidaan la soconno muddo dheer ayaa laga soo shaqeynayay sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurkeena Federaalka. Dhameystirka howshaa oo soo dheeraatey, waxey u egtahey in ay dowladdani ku guuleysan doonto.

Maalin barqo ah, anigoo xafiiskeyga ka dhex shaqeysanaya, ayaa si kedis ah casuumad aan ka fileyning ka heley Wasaaradda Dastuurka. Jaaniskaa waxaan u qaatey, waajib muwaadanimo. Balse waxaa taa igala cuslaadey cabsidii aan ka qabey magaalada Moqdisho. Magaaladan ku dhashey, oo iigu dambeysey, 1991. Wel-wel aan la qiyaasi karin iyo rabitaan bal mar dhulkii soo arag- baa igu habsadey. Baaritaano iyo is diyaarin balaadhan ka dib, afar beri oo fasax ah baan soo qaatey, oo waa soo baxey. Jaceylkaan dareemey, wanaagaan la kulmey, quluubta sidey isku badashey, waa wax aan la qiyaasi karin, oo aan gadaal idinla wadaagi doono hadii Rabi idmo.

Waxaan sameystey jadwal. Waxaan qaban lahaa afartaa beri, oo ka baxsan hawsha la isugu yeerey. Waxyaalihii aan qortay, waxaa iigu weynaa in aan soo booqdo gurigeenii xaafadda Madiino, ka wardoono deriskii, yaa nool – yaa dhintey. Dugsigii  quraanka iyo iskuulkii Cali Xuseen iyo bacaadkiisii, maxaa ka harey. Waa ii suurta gashay in aan soo booqdo gurigeenii, balse waa ka shalaayay booqashadaa.

Intaan bixin waxaan akhriyay Dastuurka 2012, qaasatan cutubyada aan is lahaa aqoontooda waad leedahey sida cutubka qoyska, waxbarashada, carruurta, shaqada iyo xaquuqda muwaadinka. Waxaan kaloo akhriyay Dastuurkii hore ee 1979, oo aan aad ugu bogay luuqada lagu qorey. Waxaan u arkaa in ay lagama huraan tahey, in Dastuurka iyo sharciyada jira oo dhan meel la isugu soo aruuriyo. Si ay ugu sahlanaato shacabka isticmaalka iyo helitanka sharciyadaa. Waxaa kaloo muhiib in dadka la baro xaquuqda iyo waajibkood muwaadanimo waxa uu yahey.

Waxaan Dastuurkan ka waayay jawaabaha ku saleysan xaquuqda gabadha, sida markuu kufsi dhaco iyo waxa uu xaquuqdeeda daryeel iyo xaqeeda cadaalad ay noqon karaan? Dambiilaha dembigaa geysto, ciqaabtiisa waxey noqon karto? Sidee bulshada looga wacyi gelin karaa dhaqmada xun ee dagaalka laga dhaxley- sida guurka xawuushnimada ku saleysan? Odayaasha caruurta guursanaya. Waa maxey da`da guurka? Guur qasab ah haduu dhaco, maxuu sharciga ka sheegayaa?. Gudniinka waa in la dembiyeeyaa. Oo qofkii ficilkaa geysto, dembi xarig ah muteystaa. Dhowrida xaquuqda muwaadinka maxey tahey, markii tacadiyad ama faquuq (discriminiation) ku saleysan diin, qabiil, jinsiyad, ama muuqaal loo geysto?

Daryeelka carruurta waa muhiim. Waxaa loo baahan yahey tarbiyad dhisi karta jismiga iyo qalbiga carruurteena. Waxaa loo baahan yahay guryo iyo waalid soo saari kara jiilalkii hannan lahaa mustaqbalka dalka iyo dadka. Aqoontaa waa in uu shacabku helaa. Dastuurkuna waa in uu la jaan qaadi karaa Soomaalida cusub iyo baahida kala gedisan ee jirta.

Si arimahaa loo darso, awoodana loogu soo dhaweeyo shacabka qurbaha ayaan sameyney dood aqoomeed oo arimahaa Dastuur, nidaamka doorashooyinka 2020 iyo ka hortaga tahriibka, looga wada hadli doono. Doodahaa waxey ka dhici doonaan magaalada Oslo. Waana labo doodood. Mid af somali ku bixi doonta iyo mid luuqada ingiriis, si umadan aan la nool nahney, wax nooga faa`iideystaan.

Qodobadan Dastuurka waxaan u arkaa, in ay u baahan yihiin in dib u eegis balaadhan lagu sameeyo. 
Qodobka 15aad. Xorriyadda iyo Nabadgelinta Qofnimada

Qodobka 15aad ee xorriyadda iyo nabadgelinta qofnimada, nambarka afaraad, waxuu sheegayaa:-  in gudninka uu dhaqan xun yahey. Reeban yaheyna.

Qodobkan xad-gudub weyn iyo dhayalsi ayuu soo gaarsiiyay gabdhaha la dhibaateeyay, oo la gudey. Ma dhawrin xaquuqda gabadha la gudey, mana ilaalin xaquuqda gabadha la dhibaateyn doono oo la gudi doono. Waxaan talo ku bixin:- In qodobkan la cadeeyaa. Lana xoojiyo. In gudniinka la dambiyeeyo. Dambiilaha ficilkaa geystana, ugu yaraan shan sano oo XARIG AH lagu xukumo. Waa in wacyi gelin, nidaamsan laga bixiyaa gudniinka iyo dhibaatooyinkiisa. Wacyi gelintaa waa in ka mid noqotaa manhajka waxbarashooyinka.

…………..

Qodobka 28aad. Daryeelka Qoyska

Qodobka 28aad ee daryeelka qoyska, nambarka shanaad waxuu sheegayaa:- In guurku ansaxayo marka uu jiro rabitaan iyo xoriyad labada qof ah. Waxaan ku talin in lagu soo daro labo qodob oo cusub. Qodob ka hadlaya guurka qasabka. Waxaa kaloo loo baahan yahey qodob ilaalinaya, dhowaraya xaquuqda qoyska, marka uu dhib yimaado. Sida wada wadaaga mas`uuliyada iyo koriimada caruurta.

……………..

Qodobka 29aad. Caruurta

Qodobkan waa in lagu soo daraa qiimeynta iyo ixtiraamka xaquuqda caruurta. Waa muhiim in la badalo, lala dambiyeeyaa tarbiyada dilka ku saleysan.

Macnaha caruur ama ubad sida uu sharcigu sheegayo, waa inta inta u dhaxeysa 0-18 jir. Waxaa loo baahan yahey sharaxad sii qeexaysa qodobkan. Tusaale ahaan, waa maxey da`da qaan gaarka lagu noqdo. Waa maxey da`da guurka? Waa maxey da`da dembiga lagu soo oogi karo? Da`da shaqada uu ku bilaabi karo? Da`da ilmuhu keligii go`aan  gaari karo. Waa maxey da`da uu ilmuhu maxkamad ka hadli karo, oo uu fikradiisa dhiiban karo, waxyaalaha iyo ka badan waxaa loo baahan yahey in la sii faafaahiyo

…………..

Qodobka 30aad. Waxabarashada

Waxaan ku soo dari lahaa qodobkan in siyaasada waxbarashada ay noqoto nidaam ka wada dhaxeeya mas`uuliyiinta, ardeyda iyo waalidiinta. Waa in laga tagaa nidaamkii hore ee siyaasada waxbarashadu ku saleyneyd hal awood. Waa in lagu soo daraa da` lagu bilaabi karo waxbarashada, laguna dhameyn karo. Nidaamka waxbarashada waa in lagu soo daraa tarbiyada iyo waajibka waalidka. Waa in la helaa sharci waxbarasho oo waajib iyo xaquuq kaamilaya.

……………..

Qodobka 35aad. Xuquuqda Eedaysanaha

Waxaa tvga qaranka layska tusaa eedeysanayaal dembi lagu soo oogey oo maxkamad la hor keeney. Dambiilayaashaa wejiyadooda lama qariyo, oo waa la soo bandhigaa. Eedeysanahaa miyuusan xaq u  laheyn in dadnimadiisa la dhowro, tacadiyad laga ilaaliyo ilmihiisa, sharafta ehelkiisana la dhawro. Waxaan ku soo dari qodob sheegaya in aqoonsiga eedaysanaha aan la soo bandhigi karin, ilaa ay jiraan daruufooyin qaas ah.

 

 

 

1 Comment
  1. Ahmed Ali says

    MashaAllah .. waa Qoraal aan wax badan ka Fahmay ..

Comments are closed.